Saturday, May 18th, 2013

Zamzam Maxamed Faarax oo kaalin hoose ka gashay cayaaraha orodada Olombikada London.

Zamzam Maxamed Faarax oo ku ordaysay magaca dalka  Soomaaliya ugana qeyb galaysay cayaaraha oroddada ee Olympic-da London ayaa kaalinta toddobaad ka gashay tartanka 400 ee mitir ee dumarka.

Toddobo gabdhood oo ay Samsan wada ordeen waxaa kaalinta koowaad gashay Mccorory Francena oo ka socotay Mareykanka, waxayna ku oroday 50.78.

Samsam waxay ku orodday 1.20.48, inkastoo ay dadaashay haddana waxay meel hoose ka gashay liiska kala horeynta.

Waxa ay Zamzam la tartantay gabdho ka kala socday  dalalka Mareykanka, Great Britain, Kenya, Ireland, Brazil iyo Kazakhstan.

Caawa 10:00 habeennimo ee saacada Geeska Afrika waxaa ordaya Maxamed Xasan Maxamed oo ordi doona 1500 mitir, wuxuuna la tartami doonaa 14 dal.

Labadaan cayaar yahan ee mataleysa dalka Soomaaliya oo dhawaan kasoo amba baxay magaalada Muqdisho ayaan soo qaadan tababaradii loo baahnaa waayo ma aysan haysan khalabka tababarka iyo dhamaan waxyaabihii aas aaska u ahaa cayaaryahan tababaranayo.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply