LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

XUKUUMADA SOOMAALIYA OO CANBAAREYSAY WEERARKII AY CIIDAMADA FARANSIISKA KA GEYSTEEN DEEGAANKA BUULO MAREER.

Shir ay xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayay golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ku cambaareeyeen duqeyntii ay habeen hore ciidamada Faransiiska ka geysteen gudaha dalka Soomaaliya gaar ahaan deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabeelada hoose ayaga oo isku dayayay inay soo furtaan muwaadin Faransiis ah oo gacanta ugu jiro Xarakada Alshabaab.

Shirkii xalay markii uusoo idlaaday kadib ayaa waxaa saxaafada la hadashay raisalwasaare kuxigeenka ahna wasiirada arimaha dibada Soomaaliya maro Fowziyo taasoo sheegtay inay xukuumada Soomaaliyeed ka tacsiyeynayso shacabkii Soomaaliyeed ee ku dhintay weerarkii Komaandoosta Faransiiska ay ka fuliyeen gobolka Shabeelada hoose.

Wasiirada arimaha dibada waxa ay sidoo kale sheegtay inaysan dowlada Soomaaliya raali ka ahayn weerarkii ay ciidamada Faransiiska ka fuliyeen gudaha dalka Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeeray xukuumada Soomaaliya ayaa imanaya xili aysan dowladu la socon weerarkii ay ciidamada gaarka ah ee Faransiisku ka fuliyeen deegaanka Buulomareer.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID