Sida lagu sheegay hadal saxaafada kasoo baxay oo uu soo saaray xafiiska xarunta ururka jaamacada Carabta ee magaalada Qaahira ayaa lagu sheegay inuu xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta booqasho ku tegi doono dalka Soomaaliya sanadkaan gudihiisa.
Warka ayaa lagu sheegay in xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta Nabiil Al-Carab uu booqan doono magaalada Muqdisho bisha Oktoobar ee sanadkaan aan ku jirno ee 2012.
Booqashada uu Nabiil Al-Carab, xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta ku imaanayo dalka Soomaaliya ayaa imanayso kadib markii ay kulan wada qaateen lataliyaha madaxweyne Shariif ee arimaha Carabta iyo Nabiil Al-Carab.
Dhanka kale, booqashada uu xoghayaha guud ee Jaamacada Carabta ku imaanayo dalka Soomaaliya ayaa noqoneyso mid wakhtigii loogu talagalay dib ugasoo dhacday maadaama dalka Soomaaliya ay booqasho kusoo gaareen madax sare oo heer caalami ah kana kala socday dunida oo dhan oo uu ku jiray xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Ban-Ki moon.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com