Waa sida shakhsiyaad iyo ururo badanba ay garteen uguna hambalyeeyeen, Prof Mohamed Sheikh Cusmaan Jawari waxa uu muujijey:
1.Geesinimo uu isugu soo sharxo boos ay dad badan oo DM ah isku soo sharxi waayeen sababo siyaasadeed iyo kuwo shakhsi jecleysi ama shakhsi neceyb ahaa oo jirey dartood
2. Markii uu musharxnimadiisa ku dhawaaqeyna mudaneyaasha baarlamaanka oo Soomaali oo idil ka kooban baa intoodii badneyd dooratay- Waana sida habka dimoqraadiga ah waafaqsanee.
3. Markii la doortayna si geesinimo ku jirto ayuu xilkaas u ogolaadey looguna hambalyeey.
Waxaase jira dad aan weli waxa xaqiiqada ah ee dhacay ogolaan la’ oo Jawari ku tilmaaya inuu mansabka DM meel uga dhacay laakiin su’aalaha muhiimka ah ee in la isweydiiyo loo baahan waa:
Kusriga Raisul Baarlamaanka ma sanadkan 2012 uun buu noqday mid aan DM u qalmin?
Waan ognahay in ay qaar ka mid ahaa madaxdii RRA-da ee uu hogaamiyihii goortaas ee Col Shaatigaduud ahaa ugu horeeyey wax xoogaa booskaas iska diideen sanadkii 2000 iyaga oo aaminsanaa inuu booska yahay “kursi yasmo”. Hase ahaatee, kursigaas markaa waxaa loo doortay aqbalayna alle ha naxariistee Cabdalla Deerow Isaaq.
Waxaa taas xigey oo aan ognahay in ay Col. Shaatigaduud iyo intii ku ra’yiga aheyd booskaaas raisul baarlamaanka ogolaadeen sanadkii 2004 oo ay wixii intaas ka dambeeyey isku bededelayeen Sharif Xassan Sheikh Aadan iyo Sheikh Adan Maxamed Nur (Adan Madoobe) inkasta oo uu markii u dambeysey ee 2011 uu mudame Madoobe Nuunow-na booskaas isku soo sharxay oo sida la sheego mudaneyaasha qaar uba doorteen. Taas waxaa ka dhalatay inay lama Raisul Baarlamaan oo wada DM ah isbarbaryaacayaan oo uu midba midka kale ka mansab sheeganayo.
Marka manta oo 2012, haddii Prof Jawari loo doortay maxaa booska ka dhigey oo dib ugu soo celiyey in uu yahay “mid yasmo”?
Ma shakhsigaa la diidan yahay oo waa takoor qabiil ama aqoon ku takoorid?
Mise waa haddii aanan aniga heleynin qof kale oo DM ah in uu helo ma aha?
Xilku waa wareegto ee fadlan kuwiinii laga badiyeyna Jawaari hambalyo u wada dira una duceeya in uu ilaahay u sahlo inuu sida haboon uu hawsha loo doortay u fuliyo.
Prof. Jawaari-na waxaan leenahay:
Waa lagu doortay oo xilka sida uu yahay u fuli.
Siyaasada waa tartan kuwii kula tartanayey ka badisey ee ku dadaal inaan dadka isku keento oo aad hawlgeliso waxna la qabato waxna u wada qabato - cuqdad la’aan.
Ragii DM kursiga Raisul baarlamaanka kuma haboona lahaana xaqiiqada idin hortaal arka oo sidaad rabto haddaad weydo sidaan la hurin baa la yeelaa ee walaalkiin daadhiya si uu DM & Soomaali oo dhan u wada canfaco.
Qormada:
A.A. Bulle. MSC
UK, email: maisodias@hotmail.com
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com