Gudiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ku shiray magaalada Muqdisho ayaa waxa uu shaaciyay xiliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.
Gudiga ayaa shaaca ka qaaday inay doorashada madaxweynaha dhici doonto 10 bisha Semptember ee sanadkaan aanu ku jirno ee 2012.
Gudigu ma uusan shaacin sharuudaha laga doonayo musharaxiinta u taagan xilka madaxweynanimada Soomaaliya ayada oo ay magaalada Muqdisho ka socoto qaban qaabo weyn iyo ol’ole loogu jiro madaxtinimada dalka Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com