Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda tan iyo xalay shirar aan kala joogsi lahayn kuwaasoo ku aadan xiliga kala guurka iyo qilaaf soo shaac baxay.
Madaxweyne Shariif iyo ergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay ee Soomaaliya Mahiga iyo raisalwasaare kuxigeenka ahna wasiirka gaashaandhiga oo ay weheliyaan wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa uu goor dhow shir ugusoo gaba gaboobay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa dalbaday in wax laga bedelo qaabka ay wax u socdaan isaga oo sheegay inaanu ku qanacsanayn habka ay wax u socdaan.
Waxaa laysku afgartay in dib loosoo celiyo kaararkii loo qaybiyay xildhibaanada cusub islamarkaasna 50kii xildhibaan ee horay loosoo celiyayna hada diiwaan gelintooda ay mar kale ka socoto garoonka diyaaradaha Muqdisho halka si gaar ahna layskugu afgartay in dib loosoo wada celiyo 8 xildhibaan ee beesha Xawaadle oo la sheegay in hal shaqsi uu soo xulay kaasoo ka wakiil ahaa xafiisyada masuuliyiinta sar sare midkood kaasoo dabcan ah xafiiska raisalwasaaraha.
Dhanka kale madaxweyne Shariif ayaa sheegay in 27 TSC ee gudiga farsamada aanu isagu ku lahayn xitaa hal xubin taasoo uu ku tilmaamay inaysan waafaqsanayn habkii loogu talagalay in looga baxo xiliga kala guurka, waxa uu sidoo kale sheegay madaxweynuhu inay soo xusheen xubnaha 27da ah saxiixayaasha Road mapka.
Sidoo kale waxaa hada shir isna kula leh garoonka diyaaradaha Augustine Mahige raisalwasaaraha uu wakhtigiisu maanta ku egyahay ee dowlada KMG Soomaaliya Cabdiweli Gaas.
Waxaa muuqato inay dhaarintii xildhibaanada ay maanta dib u dhacday islamarkaasna waxaa laysku afgartay in marka hore lasoo dhameystiro 275 xildhibaan ee uu baarlamaanka Soomaaliya ka koobnaanayo.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com