Thursday, May 23rd, 2013

Xildhibaanada cusub oo maanta la dhaarinayo.

Waxaa maanta lagu dhaarinayaa magaalada Muqdisho xildhibaanada cusub ee Soomaaliya kuwaasoo dhawaan ay si wada jir ah usoo xuleen oday dhaqameedyada iyo gudiga farsamada soo xulista xildhibaanada.

Xildhibaanada oo ay tiradoodu gaarayso 225 ayaa lagu wadaa in lagu dhaariyo Iskuulo Pluzio halkaasoo ay ku yeelan doowaan kalfadhigoodii ugu horeeyay iskana dhex dooran doonaan mudanaha ugu da’da weyn si uu baarlamaanka usii gudoomiyo inta gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa lagasoo dooran doono.

Waxyaabaha maanta la filayo inay dhacaan ayaa waxaa kamid ah in wakhti loo qaban doono doorashada gudoomiyaha baarlamaanka, kuxigeenadiisa iyo madaxweynaha uu yeelan doono dalka Soomaaliya.

Dhaarinta xildhibaanada cusub ayaa kusoo aadayso xili ay inta badan beelaha Soomaaliyeed kasoo hor jeesteen qaabka loosoo xulay mudanayaashaan oo la sheegayo inuu hareeyay musuq maasuq iyo wax is daba marin.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply