Sunday, May 26th, 2013

Xildhibaanada cusub ee Digil iyo Mirifle oo saxiixayo warqad dhaar ah kahor inta aanay baarlamaanka cusub soo gelin.

Ayada oo lagusoo waramayo inuu musu maasuq ba’an hareeyay qaabka soo xulista xildhibaanada cusub loosoo xulayo ayaa hadana waxaa lagusoo waramayaa in beelaha Digil iyo Mirifle ay taas usii dheertahay warqad dhaar ah oo la sheegayo inay saxiixayaan mudanayaasha cusub ee soo galayo baarlamaanka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiyo dalka Uganda mudane Sayid Axmed Sheekh Daahir ayaa waxa uu sheegay inuu ogaaday inay jirto warqad dhaar ah oo lagu dhaarinayo xildhibaanada cusub ee beelaha Digil iyo Mirifle kahor inta aanan magacyadooda lasoo gudbin, ” Qofku xaq buu u leeyahay in la doorto isna uu wax doorto” sidaas waxaa yiri Sayid Axmed Sheekh Daahir oo aan si fiican u sharaxin warqada waxay tahay.

Shabakada warbaahinta baidoamedia.com ayaa waxa ay soo ogaatay in odayaal dhaqameeyada Digil iyo Mirifle uu soo dhaariyay Shariif Xasan Sheekh Aadan isaga oo ku dhaariyay inaanay xildhibaanimo usoo qorin qof Digil iyo Mirifle ah oo iskusoo taagaya xilka gudoomiyanimada baarlamaanka cusub maadaama uu Shariifku rajo ka qabo sanadkaan inuu madaxweyne ka noqdo Soomaaliya taas bedelkeedna ay beelaha Hawiye ama Daarood iskusoo sharaxaan gudoomiyanimada baarlamaanka.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Xildhibaanada cusub ee Digil iyo Mirifle oo saxiixayo warqad dhaar ah kahor inta aanay baarlamaanka cusub soo gelin.

  1. ALLAA WEYN says:

    I ARKA I ARKA, I QARIYAA KA DAMBEEYSA. WAR DIGIL IYO MIRIFLOW, HADII ARINTAAN AY DHAB TAHEY, WAA WAX AAD IYO AAD LOOLA YAAHO, WAR DIGIL IYO MIRIFLOW, HADIII AQOONYAHANADII UU SHARIIFKA QAARNA GACANTA KU SHUBTAY, QAARNA QASHIN QUB KA SOO QAADAY, QAARNA KU SHAQEEYSTO, XATAA LA WAAYEY, LABA ISU IMAANKARTA OO DANTA GUUD KA SHAQEENKARTO, WAA NASIIB DARO WEYN OO NAGU HABSATEY.

    LAAKIIN WAXAAN IDIN SHEEGAYAA, SOOMAALI WAXEY KU MAAHMAHDAA ( I ARAKA, I ARAKA, I QARIYAA KA DAMBEEYSA)

    ANIGA WAXAAN SOO JEEDIN LAHAA IN LA BILAABO KACAANKA QORAALKA EE BADBAADINTA DADKA DIGIL IYO MIRIFLE SIDA UGU DHAQSAHA BADAN.

    MAHADSANTIIN.

Leave a Reply