Waxaa goor dhow soo idlaatay xaflad si weyn loosoo agaasimay oo ka dhacday hoolka shirarka ee Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.
Xaflada oo uu kula shiray xildhibaano fara badan, waxgarad, oday dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo haween ayuu xildhibaan Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kusoo bandhigay waxqabadkiisa haddii loo doorto gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Intii ay socotay xaflada ayaa waxaa halkaas ku tanaasulay xildhibaan Maxamed Rashiid oo u taagnaa xilka gudoomiyanimada baarlamaanka Soomaaliya kaasoo sheegay inuu taageeradiisa ku biirinayo Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isna halkaas ugu mahad naqay xildhibaan Maxamed Rashiid.
Xaflada ayaa si qurux badan kusoo idlaatay ayada oo ay maqsuudeen dadkii kasoo qaybgalay xaflada oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay.
Filo goor dhow sawirada iyo fiidiyow xaflada ah haddii uu Illaah idmo.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
WAA GUUL U SOO HOOYATEY WAX GARADKA DIGIL IYO MIRILFE. KUWA NAGA MAQANA ALLAH NOO SOO URURIYO. INSHA ALLAH
MARKAAN HELNO HOGAAN WADANI AH, AYAAN WAX KASTO NOO SUURTO GELI KARAAN.