Wararka ka imaanay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in saakay subaxnimadii hore raisalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas looga yeeray xarunta maamulka gobolka Bari ee magaalada Boosaaso halkaasoo ay ku sugnaayeen gudoomiyaha gobolka Bari C/samad Maxamed Gallan, taliyaha booliska ee qeybta gobolka Bari Cismaan Afdolow iyo duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla.
Shir albaabada ay u xirnaayeen oo ay dhinacyadu yeesheen kadib ayaa waxa uu gudoomiyaha gobolka Bari ku wargeliyay xildhibaan Gaas inuu jiro amar kasoo baxay madaxtooyada Puntland kaasoo faraya Gaas inay isaga iyo wefdiga la socdo iskaga baxaan magaalada Boosaaso.
Cabdiweli Gaas oo ka jawaabay fariintaas ayaa uga mahad celiyay gudoomiyaha gobolka Bari soo gaarsiinta fariinta balse waxa uu sheegay inuu yahay xildhibaan ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya, islamarkaasna uu yahay muwaadin Soomaaliyeed kanasoo jeedo deegaanada Puntland isaga oo intaas raaciyay inuu waajibaadkiisa gudanayo.
Intaas kadib ayaa uu kulankii soo idlaaday ayada oo aanay kasoo bixin wax natiijo ah. Xildhibaan Gaas ayaa dhawaanahaanba safaro ku kala bixinayay deegaanada Puntland isaga oo kulamo la yeelanayay odayaasha dhaqanka, dadweynaha, ganacsatada, haweenka iyo bulshada guud ee Puntland.
Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa waxa uu tuhun weyn ka qabaa in xildhibaan Gaas uu iskusoo taago doorashada la filayo inay ka dhacdo Puntland isla markaasna uu xilka madaxweynanimada ku ciriiriyo taasoo keentay inuusan jeclaanin kulamada uu la yeelanayo bulshada xildhibaan Gaas.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com