Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed oo katirsanaa xildhibaanada cusub ee dowlada Soomaaliya ayaa caawa maqribkii lagu toogtay gudaha magaalada Muqdisho xili uu salaadii maqrib soo tukaday.
Xildhibaan Mustaf Xaaji Maxamed ayaa waxa uu ahaa sodoga madaxweynihii hore ee dowladii KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed isaga oo dhalay xaaska yar ee madaxweynihii hore.
Dilka xildhibaankaan ayaa waxaa geystay 3 dhalinyaro bistoolado ku hubeysan ayaga oo durba ka baxsaday halka ay dilka ugu geysteen marxuumka.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayay tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com