Xasan Sh, Maxamuud Siyaasadee buu Wataa?

<

online viagra sales width=”300″ height=”300″ />Waxay ahayd bilawgii bishii sagaalaad 2012 markii Soomaaliya kabaxday ku meelgaadh ayna gashay Dawladnimada. Rajadu maysan ahayn dawladnimo ee waxaa malaayiinta Soomaaliyeed ee ku nool dunida dacaladeeda rajaynayeen isbadal , horumar iyo Soomaaliya oo siday ahayd kusoo noqota.

Tartankii dheeraa ee u dhaxeeyay kontomeeyada musharax ee ku loolamayay jagada madaxwaynanimada wuxuu ku dhamaaday dawladaan hada jirta ee DAMU JADIID.

Soomaaliya waxay ahayd wadan kusoo jiray dagaal mudo dhan 22 sano sababtaa awgeed shacabku maysan dooran karayn musharaxooda ee nasiibxumo waxaa xaq u helay doorashada madaxwaynaha xildhibaano eeganayay ninka lacagta badan hordhigaya ee lama eegin siyaasada uu shaqsigaasi wato iyo waxa uu rabo in uu wax ka qabto iyo sida uu wax uga qabanayo.

10 September 2012 waxaa loo doortay madaxwaynanimada wadanka Xasan sh maxamuud , Soomaaliyana waxay kabaxday kumeelgaadhkii 22 sano ku shaabadaysnaa. Waa hadalada Soomaaliyeed ee ku dhaqan aduunka ku taamayeen,Laakiin su’aashu waxay tahay Xasanow kumaad tahay ?

Dunidaan aan ku noolnahay qaaradkasta ha ahaato , waxaa shuruud ah in ninka siyaasiga ah ay cadahay siyaasadiisa, sharaxantahayna habka uu wax u qabanaya si lagu doorto, Siyaasi ma aha nin intuu soo istaagay meel yidhi ”wadankaan rabaa in aan madaxwayne kanoqdo”,

Hadaan u imaado su’aashaydii ahayd,Kumaad tahay xasanow. Madaxwayne Xasan hada mudo dhawr bilood ah buu xilka hayay waxyaabaha uu ku dhamaystay mudadaasna waxay ahayd , magacaabid iyo safar,, laakiin waxaa nasiib daro ah in uu madaxweynuhu uusan ilaa hada soo bandhigin siyaasadiisa saxda ah .Loolankii doorashada waxa uu balanqaaday madaxwynuhu in uu wax kaqabanayo waxyaabaha kala ah.

* Amniga

* Waxbarashada

* Dhismaha

* Dhaqaalaha.

* IWM

Shacabka Soomaaliyeed waxay maanta ku eedaynayaan Xasan , Riyadaan maxwaynanimo ee uu iskaga riyooday isaga oo aan ogayn waxa looga baahanyahay madaxwayne u talinaya dal aan xasilooni arag mudo 22 sano ah . Xasan waxa uu uga duwanaa musharaxiinta kale ee u taagnaa jagada madaxwaynanimada , isaga waxa uu ahaa nin kasoo jeeda Xisbi. Xisbina waxaa lagu yaqaanaa siyaasad dhamaystiran , shacabkuna fahmi karo waxa uu rabo xisbigaan in uu wax kaqabto.Hadal afka laga dhaho iyo siyaasad waadaxsani waxay kala yihiin laba arin. Dhamaan waxa uu xasan balan qaaday waxay ahaayeen hadal afka laga dhahay, ee laguma tilmaami karo siyaasad xisbi.

Dhowrkaan arimood ee aan kor kusoo xusay waa waxyaabihii uu rabay madaxweyne Xasan in uu wax kaqabto, laakiin ilaa hada waxaa laga sugayaa habka uu wax uga qabanayo. PDP iyo madaxwaynu

Dhaqaalaha : sidee buu rabaa madaxwaynuhu in uu wax uga qabto , waa maxay siyaasada isaga iyo xisbigiisu kasimanyihiin ee ku aadan horumarka dhaqaalaha. Ilaa hada wax sharaxaada madaxwaynuhu bulshada uma shaacin.

Amniaga : Amniga waa muhiim waana qodobka kaliya ee aad looga wada hadlo markasta. Waa maxay siyaasada Madaxwayne xasan ee ku aadan amniga,? waxba.

Lamid , dhaqaalaha , dhismaha IWM.

Intaan aan kor kusoo xusay waa inta looga baahanyahay in madaxwayne Xasan jawaabtooda uu u soo bandhigo media ha iyo bulshada, Hadii kale waxaan taaganahay 4 sano oo khasaara ah.

Wasiir degmo booqday iyo madaxwayne diyaarad raacay maaha siyaasada ay sugayaan shacabka Soomaaliyeed ee waxa kaliya ee ay ummadu sugaysaa waa siyaasi la ogyahay waxa uu wax kaqabanayo iyo habka uu wax uga qabanayo si loogula xisaabtamo, waa hadaan ka hadlayno wadan tiigsanaya Dimuqraadiyad.

 

Elmi Anbashe Elmi

Abshir32@gmail.com

46704266017 Sweden


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID