Friday, May 24th, 2013

Xarunta wasaarada hida iyo tacliinta sare oo uu dib u dhiskeedu gabo gabo marayo.(Sawiro)

Waxaa mudooyinkii danbe howla dayactir ah ay ka socotay Xarunta Wasaaradda Tacliinta Sare & Hiddaha ee Magaaladda Muqdisho dayactirkaas oo hadda maraya meel gaba gabo ah iyadoona ay dayactirkaas fulineyso Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare, waxaa maanta kormeer ku tagay xaruntaas Masúuliyiin ka socotay Wasaaradda iyagoona kormeeraya meesha uu marayo dayactirkaas.

Wasiir K/xigeenka Wasaaradda Cabdiqaadir Sh Cali Baqdaadi ayaa sheegay in dayactirkaan uu marayo meel gabo gabo ah ayna Wasaaradda u soo wareegi doonto goor dhaw wuxuu kaloo intaas uu ku daray in aysan jirin Hayádd ka gacan siinayso dhismahaan marka laga reebo Shirkada Fulineyso howshaan oo Wasaaradda heshiiska la gashay.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Muse Farah Xeyd oo ka mid ahaa masúuliyiintii tagtay Xaruntaas ayaa ku nuux nuuxsaday baahida ay u qabaan in ay xaruntaan u soo wareegaan asigoo sheegay in ay hadda ku shaqeeyaan goob waxbarasho oo ah school Wasaaraddana aysan heysan xafiisyo ku filan ayna Xaruntaan muhiin u tahay.

Ugu danbeyntii tan iyo markii laga saaray dadkii degnaa xarunta Wasaaradii Tacliinta Sare & hiddaha waxa ay ma’suuliyiinta Wasaaradda ku howlanaayeen sidii Wasaaradda ay ugu shaqeyn laheyd xaruntaas waxaana hadda heer gabo gabo maraya Dayactirkii lagu waday xaruntaas.

 

Omar Abdirizak Hussein

Head Section of Examination
Ministry of Education, Culture & Higher Education

Mogadishu-Somalia


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply