Sunday, May 26th, 2013

Xarunta idaacada Daljir ee magaalada Gaalkacyo oo xalay bambaano lagu weeraray.

Rag aan ilaa iyo hada lagaranayn waxa ay ahaayeen ayaa waxa ay habeenkii xalay ahaa weerar bambaano kuqaadeen idaacada Daljir oo kutaalo magaalada Gaalkacyo ayada oo lasoo sheegayo inuu kudhaawacmay mid kamid ah ilaalada idaacada halka ragii weerarka geystayna kabaxsadeen goobtii ay falka kageysteen.

Falka weerarka ah markuu dhacay kadib ayaa waxaa xarunta idaacada Daljir ee magaalada Gaalkacyo waxaa soo gaaray ciidamada amaanka ee maamul goboleedka Puntland kuwaasoo lawareegay amaanka xarunta. Masuuliyiinta idaacada ayaanan weli kahadlin weerarkii xalay ayada oo ay idaacaduna saakay hawada kamaqantahay.

Lama oga sababta loo weeraray idaacada Daljir ee magaalada Gaalkacyo ayada oo ay maalmahaanba kasii dareysay xaalada amaan ee magaalada halka dilal qorsheysana ay magaalada kadhacayeen maalmihii dambe.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply