Xarakada Alshabaab ayaa mar sii horeysay lagala wareegay guud ahaan gacan ku haynta magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayada oo tan iyo xiligaas wixii ka dambeeyayna ay socdeen howlgalo xaga amaanka ah oo ay wadeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kuwaasoo lagusoo qab qabtay boqolaal dhalinyaro u badan oo lagu sheegay inay Alshabaab iyo taageerayaashooda iskugu jiraan.
Balse ayada oo aysan muuqan ciidan Alshabaab ah oo dhinac ka degan magaalada Muqdisho ayaa ay hadana socdaan dilalka qorsheysan ee ka dhanka ah saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya, masuuliyiinta, wariyayaasha, askarta iyo taageerayaasha dowlada Soomaaliya, kabasii darane, hada waxaa kusoo biiray arimahaas weeraro qorsheysan oo ay ciidamada Alshabaab ka geysanayaan degmooyinka kala gedisan ee gobolka Banaadir haba u badnaatee degmada Dharkeenley.
Ciidamada ALshabaab oo si weyn u hubeysan ayaa xiliyada habeenkii weeraro kusoo qaada xarumaha ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayada oo uu dagaalkuna mararka qaar socdo mudo saacad ku dhow taasoo muujinayso inay Alshabaab weli dhinac kaga sugantahay magaalada Xamar balse ay hubka ku dhex qarsato shacabka kanasoo duulaan tagto habeenkii.
Iskusoo wada duube, waxaa la dhowrayaa qorshaha xaga amaanka ee xukuumada cusub ee laga sugayo raisalwasaare Cabdi Faarax Shirdoon kaasoo dhawaan la magacaabay.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com