Xarakada Alshabaab oo dhawaan lagala wareegay magaalooyin ku kala yaalo gobolada Bay iyo Bakool ayaa waxaa hadana soo siyaadayo weerarada ay ciidamada Alshabaab ka geysanayaan labadaas gobol.
Alshabaab waxa ay weeraro ka geysatay deegaanka Goofgaduud, Abow Casharow oo magaalada Baydhabo duleedkeeda ah, Qansaxdheere oo ka tirsan gobolka Bay iyo weliba duleedyada magaalada Xudur iyo weliba gudaha magaalada Xudur.
Alshabaab oo la sheego in lagu jebiyay dagaalada socda ayaa hadana waxa ay soo kordhiyeen dagaalada ay ku hayaan fariisimaha ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan inay Alshabaab ciidamo xoogan soo gelisay gobolada koonfurgalbeed Soomaaliya ayada oo lawada ogyahay sida ay ugu fara adeegayso gacan ku haynta magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Inkastoo gobolada qaar Alshabaab lagu jebiyay dagaalada ka socdo ayaa hadana waxa ay Alshabaab sidoo kale dilal qorsheysan ka geysanayaan magaalada Muqdisho iyo maalooyinka waa weyn sida magaalada Baydhabo.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com