LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

XAQQA & XURRIYADDA‏

Markaynu ka hadlayno xaq iyo xorriyad waa erayo micno weyn ku fadhiya qiimaynta iyo qaddarinta xuquuqda uu aadanaha leeyahay,mar haddii erayadaasi ay saamayn guud ku yeeshaan shacab ama ummad leh awood iyo nidaam dowladeed ayaa
waxaa haboon in qaddarin iyo xurmayn tixgelin mudan la siiyo codka “barlamaanka” waayo magacaabista waxaa ka weyn.

kalsoonida uu siin doono “barlamaanka” oo leh awood siyaasadeed iyo sharcidejinba.
Websiteyada soo gudbinaaya inay faragelin xoogan ku leeyihiin maamul goboleedyo ama ururro diini ama siyaasadeed,ama dowlado shisheeye,waxay ilaabeen inay Somalia ka baxday DKMG iyo xaq&xuquuq ku meelgaarkii uu shacabka ku noolaa;

sidaa darteed waxaan shaki ku jirin in dowladda maanta shacabka soomaliyeed u dhalatay inay tahay dowlad dhameystiran oo leh AQOONSI taam ah,ciddi ka hortimaada waxay mutaysanaysaa CIQAAB dastuuri ha noqdo maamul goboleed ama urur siyaasadeed ama diineed,waayo intuba waa kuwo huwan maanta aragti ama fikrado liddi ku ah midnimada iyo qaabka jiritanka ummadda iyo shacabka somaliyeed oo muddadii dheerayd ee gudcurka ku nooleed oo maantana u quuri la`yihiin nolosha iyo
iftiinka dowladnimo uu Eebbe maanta ugu beddelay dhibaatadi shacabka haysatay waagi hore.

Isbahaysiga siyaasadeed ee sida cad-cad uga soo guuxaya baarlamaanka iyo maamulada gobollada waa inay adeegsadan damiirmiyo jaceyl waddaninimo sidii xal loogu heli laha qaab xoogan oo dhalin karta DOWLADNIMO NADIIF AH oo ka tarjumi karta dhab ahaanti baahida loo qabo in la helo PM oo lala meel dhigi karo:Prof.Hassan Shikh Mohamud iyo Prof.Mohamed Osman “Jawari” .

Dalku wuxuu u baahan yahay PM oo si daacad ah uga shaqeeya:caddaaladda,sinnaanta,midnimada,dib-u-heshiisiinta iyo dejinta
barnaamijyada lagu horumarinaayo nolosha,ammaanka,dhaqaalaha,waxbarashada,caafimaadka iyo xiriirka guud ee caalamka.

Jagooyinka ugu sarreeya malahan aragti qabiileed ee waxay leeyihiin wajiga daacadda u ah  UMMADDA SOOMALIYEED ee ay kula tartamayso adduunweynaha,micnaha waa xulkii siyaasadeed ay SOMALIA adduun weynaha hordhigi lahayd.

Talo adaa ku nool ee iyadu kuguma noola,waa maah-maah leh micnaheeda kuna wajahan waqti iyo marxalado ama dhacdooyin;

Shacabka soomaliyeed waxa u taagan labo arrimood : Dowladda Turkiga oo si cad cad ugu taagan hiil iyo hooba;waxaadna moodaa inaysan weli garan qiimaha iyo qaayaha ay leedahay “daacadnimadaasi” oo u baahan tixgelin aad u weyn,waxaan ka filayno waa guul iyo horumar joogto ah oo aan ku jirin daah.

Tan labaad oo ah dowlado shisheeye aynan wadaagin xuduud iyo diin oo waayahan dambe isu soo taagay dalkeena inay ka gaaran danahooda gaarka ah,iyagoo ku andacoonaya la dagaallanka burcad-badeeda iyo argagixisada;waxaase su`aal ah; laga billaabo tan iyo 1994 waxa dalkeena ka jiray burcad badeed iyo tan iyo 1996 waxaa dalkeena ku soo qulqulaayey ajaanib cadowgeena ah ???

Maalgelintaasi iyo kobcinta aragtida ah “HA LA LAAYO SHACABKA SOOMALIYEED” yaa ka dambeeyey,taasi waxaa maanta inooga daran cadowga IS HOR-ISTAAGAAYA inay hirgasho nidaamka xorta ah ee dowladnimo,sidaasi darteed waxaa codsi iga ah inaan si midnimo ah uga soo horjeesanno guud ahaan CADOWGA DALKA IYO DADKA SOOMALIYEED,si dowladnimada u XOOGEYSATO.
Waad mahadsantihiin walaalaha soomaliyeed oo idil.

 

 Eng.Aliyow Ibraw (U.K)


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID