Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Maxamed Caalin oo hada ku sugan caasimada dalka Itoobiya ee Addis ababa ayaa waxa uu sheegay inay shirka Turkiga ka furmay ka qaybgalayaan dad uu ku tilmaamay xagjiriin Islaamiyiin ah sidaas daraadeedna aanay ka qaybgalaynin.
Madaxweyne Caalin oo ilaa iyo shalay idaacadaha ka hadlayay ayaa waxa uu sheegay in oday dhaqameedyada shaqadii u socotay lagasoo weeciyay taasna aan loo baahnayn.
Isaga oo la hadlayay idaacada VOAda laanteeda afka Soomaaliga ayuu madaxweyne Caalin ka meer meeray inuu sharaxaad dhab ah ka bixiyo sababaha ay u diidanyihiin isaga iyo madaxweyne Faroole shirka ka dhacayo Istanbul.
” Shirka waxaa kasoo qayb galaya kooxo xagjir ah oo Islaamiyiin ah, anagana meel lama fariisan karno xiligaan xagjiriin” sidaas waxaa yiri Mr Caalin oo mar la weydiiyay su’aal ahayd bal inay heleen liiska dadka kasoo qaybgalaya shirka Turkiga iyo sida ay ku ogaadeen inay inay xagjiriin kasoo qaybgalayaan shirka ayaa ku jawaabay ” Maya, liiska weli namasoo gaarin, laakiin dad ayaa sheegayay inay imaanayaan meesha xagjiriin Alshabaab ay ku jirto”!
Su’aal kale oo ahayd bal maadaama ay Itoobiya ku suganyihiin inay Soomaali badan aaminsantahay in fikirkani aanu ahayn mid ayaga ka yimide uu yahay mid Itoobiya kayimid, ayaa sheegay inaysan cid kale oo xitaa Soomaali ah la joogin isaga iyo Faroole oo fikirkana u gaar yahay labadooda.
Shirka ka furmay magaalada Istanbul ayaa waxaa lagu casuumay qaybo kamid ah ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed iyo weliba dad saameyn ku leh siyaasada dalka Soomaaliya.
Diidmada Caalin iyo Faroole ee shirka Istanbul ayaa waxa ay imaanaysaa xili dalka Soomaaliya uu taaganyahay meel kala guur ah oo lagu wado inuu dalku yeesho dowlad sal adag lagana guuro waxa lagu magacaabo Kumeelgaarka.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com