20 kii sano la soo dhaafay heerka waxbarasha gobolada Soomaliya sida ay u kala sareeyaan ama u kala liitaan 18ka gobol Soomaliya
Gobolada puntland 20 kii sano ee lasoo dhaafay xaga waxbarashada horumar weyn oo lataaban karo ayay ka gaaren, magaalo kasta iyo
iyo degmo walba oo katirsan Puntland waxaa ku taalo jaamacad iyo dugsiyo sare iskaba dhaaf dugsiyada dhexe iyo hoose,
Jaamacada Bariga Africa ee magaalada Boossaso ee gobalka Bari ayaa waxaa dhigato keliya arday aad u farabadan . Sanad walbana arday ayaa waxbarasho jaamacadeed dibadaha looga qaada Puntland
Somaliland weyba ka sii darantahay, sanad dugsiyeed kasta Somaliland dhowr kun ardey ayaa imataxaano u fadhiista, ayadoo dadka dibadaha ku nool kana soo jeeda somaliland sanad walbo ay lacag waxbarasho ka bixiyaan ardayda aan awoodin in ay usii gudbaan jaamacadaha.
Koonfur galbeed Soomaliya waxaa kutaalo, jaamacada koonfurta Soomaliya, ardayda wax kubarata waxaa lagu qiyaasa tiro aan gaaraynin boqol, dugsiyada sare ee koonfur galbeed aad ayay u yeryihiin. Ardeyda dugsiyada sare ka soo baxana intooda badan ma aboodaan in ay usii gudbaan jaamacad, mana jirto cid ka caawiso lacakti ay jaamacad ku aadi lahaayeen, aakhirkana danta waxay ku qasbaysaa in ay iska xamaashaan maadaama aysan aboodin in ay sii wataan waxbarashadooda.
Sanadihii lasoo dhafay hadaan ka faa’ideysan weynay wax barashada hada maka gaari karnaa in aan ka faa’idaysano oo ubadkeena wax wada barno ?
Ardayda dibadaha jaamacado ku barta kana soo jeeda koonfur galbeed somaliya mala isku deyay in lasoo tirakoobo?
Arday kasoo jeedo koonfurgalbeed Soomaliya ayaa waxay soo tira koobeen inta dibadaha joogto jaamacado kadhigata waxaana idinka balan qaadayna in aan idin soo gudbiino sida ugu dhakhsiyaha badan Insha Allah
ayadoo cod iyo dhagaysi ah waxaana kala socon doontaan baidoamedia.com
Shanta hassan baidoamedia
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com