Magacyada Gudiga Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo 1-Gudomiye: Sh.Nuur Dheere tell: 0615593718 2-Kuxigeen Shariif Cabdalla Eelaay : 0615578320 3-Xiriiriye Bashiir Maxamed Aadan 0615590121 4-Maxamed Sh.Aadam 5- Macaani Sh.Sahal 6- C/Rashiid Sh .Maxamed Tarafiko

LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Xafladii xiritaanja Dufcadii Afaraad ee xifdinta Quraanka Kariimka ee lagusoo gaba babeeyay magaalada Örebro ee dalka Sweden.(Sawiro)

Taariikhdu  Hijriyadda islaamka markey aheyd 01 -8 -1433 iyo  tan Miilaayaddana ay sheegeysay 20 July 2012, waxaa masjidka weyn ee ku yaala Magaaladda Örebro, ee dalka sweden lagu qabtay xaflad lagusoo gaba gabeynayey xifdinta quraanka kariimka ah oo socotay mudo ku dhow 40 maalmood.

Xaflaadaas oo aheyd mid si wanaagsan loosoo agaasimey, aayaa sanadkaan waxaa ka qeybqaatay ardey tiradooda gaareysay ilaa  50 arday oo ka kala yimid wadamo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen France, Denmark, Nowray, Sweden, UK,  iyo meelo kale.

Mudadaas afartanka casho ku dhawayd, ayaa waxaa Alla dartii ay u suurto gashey in 10 ardey ka mid ah, iney ku dhameystirtaan xafdinta quraanka kariimka ah loogana dhegeystay quraanka kariimka ah xifdintiisa.

Tan dadka soo jiidatay ayaa waxay ahayd in  labo kamid ahaa, 10ka ardey ee quraanka xifdisay,ay ahaayeen mataano degan wadanka Fransiiska, asalkoodana ka yimid saxaraha Afrika.

Labada maatanaha  ah waxa ay ku guuleystay kaalinta koowaad  isla markaana  waxa kale oo lagu abaalmariyeey Shahadada kaalinta koowaad ee dhinaca aadaabta iyo ilaalinta waqtiga.

Ardayda kale waxaa iyagana ay u suurto gashey in inta u dhaxeeysa 10 ilaa 25 jus ee Quraanka kariimka ah ay  xifdiyaaan mudadaas 40 cash aheyd.

Xafladaan oo aheyd tii afaraad oo lagu qabto Masaajidka Örebro, ardayda ka qeybgashey da’dooda waxey u dhaxeysay 15 ilaa 41 sano.   Taas oo runtii aheyd mid dad badan soo jiidatay shacuurtoooda.

Shuruudaha  ardeyga   waxaa ka mid aheyd, ardeyga inuu xifdisanyahey ugu yaraan  3 jus ee quraanka kariimka ah, da’diisana tahey ugu yaraan 15 sano.

Dhamaan ardayda waxaa la gudoonsiiyey shahaaadooyin iyo abaalmarino kale oo oo qiimo ku leh diinta Islaamka.

 

Baidoa media, Örebro, Sweden.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID