Tuesday, May 21st, 2013

Xaflada dhaarinta xildhibaanada cusub oo hada ka socoto magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ka socoto xaflad lagu dhaarinayo xildhibaanada cusub ee uu yeelanayo baarlamaanka dowlada cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha oo ah halka ay xafladu ka socoto ayaa waxaa goob joog ku ah madaxweyne Shariif, ambassador Mahige, odayaasha dhaqanka iyo xubno ka socdo beesha caalamka.

Waxaa xildhibaanada dhaarinayo AVV Ceydiid Ilka xanaf, gudoomiyaha maxkamada sare ee dowlada KMG Soomaaliya ee uu wakhtigeedu maanta ku egyahay.

Xildhibaanada ayaa lagu dhaarinayaa kitaabka Quraanka ayada oo uu sidoo kalena miiska dhaarinta saaranyahay nuqul kamid ah dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka guud ee magaalada Muqdisho gaar ahaan amaanka garoonka diyaaradaha oo ay xafladu ka socoto ayada oo ay sugayaan amniga ciidamada AMISOM oo isugu jiro boolis iyo milatari iyo ciidamada dowlada Soomaaliya ee nabad sugida iyo booliska.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply