Monday, May 20th, 2013

Xafladii caleema saarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo soo idlaatay iyo madaxweynaha cusub oo khudbad ka jeediyay halkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi u ah shacabka Soomaaliyeed maadaama mudo ka badan 40 sano lagu doortay dalka gudahiisa Madaxweyne ay yeelato Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Prof Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo maanta ay dhaceysay caleemasaarkiisa ayaa  ka hadlay gabagabada goobta ay ka socotay munaasabada waxa uuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay u tahay maalin weyn maadaama dalka ay ka dhacday doorasho xor ah.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed dadaalkii uu u soo galay xasiloonida wadanka waxa uuna Madaxweynihii hore ku tilmaamay in uu wax badan ka badalay amaanka caasimada iyo gobolada dalka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeexay in dowladda ay muhiimadda Koobaad  siineyso amaanka iyo xasiloonada lana dhisayo hay’adaha garsoorka si shacabka ay u helaan cadaalad.

Sidoo kale Madaxweynaha mar uu ka hadlayay shaqa la’aanta ka jirto dalka ayaa sheegay in dowlada uu Madaxweynaha ka yahay ay shaqo u abuureyso dadka danyarta ah waxa uuna shacabka u balan qaaday in ay ku noolaanayaa amaan iyo nabad galyo buuxdo.

Mar uu ka hadlayay madaxweynaha xiriirka ka dhaxeeyo wadamada caalamka iyo Soomaaliya waxa uuna ugu baaqay beesha caalamka in ay ilgaar ah ku eegaan dalka, waxa uuna intaa raaciyay in ay dib u bilaabanayaan wada hadladii u dhaxeeyay maamulka Soomaaliland iyo dowladda.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply