XAFLADDA SANADGUURADA 1AAD EE MAAMULKA KHAATUMO OO LAGU QABTAY SWEDEN. (SAWIRO)

Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay kasoo qayb galeen bulshada qaybaheeda kala gedisan ayaa waxa ay ka dhacday Jubba restaurant ee magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Xaflada oo loogu dabaal degayay sanadguuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii la dhisay maamulka Khaatumo ayaa waxaa soo agaasimay jaaliyadda Khaatumo ee dalka Sweden ayada oo ay kasoo qayb galeen dadweyne aad u fara badan.

Siyaasiyiin, odayaal, dhalinyaro, fanaaniin iyo haween ayaa kamid ahaa dadkii kasoo qayb galay xaflada oo ahayd mid iskugu jirtay casho, khudbado iyo madadaalo.

Dadkii ka hadlay goobta ay xafladu ka dhacaysay ayaa waxa ay ku dheeraadeen aas aaskii iyo sababihii ka dambeeyay in la dhiso maamulka Khaatumo oo ay ku midaysanyihiin gobolada kala ah, Sool, Sanaag iyo Cayn sida ay sheegeen masuuliyiintii halkaas ka hadlay.

Dhanka kale, waxaa xalay si weyn u mada daaliyay dadweynihii kasoo qayb galay xaflada dabaal dega sanadguuradii 1aad ee maamulka Khaatumo, fanaaniin ay kamid ahaayeen Super Khaalid oo si weyn looga yaqaano dalka Sweden guud ahaan iyo weliba meelo kale iyo sidoo kale fanaan Dhegacade iyo fanaaniin kale kuwaasoo halkaas kusoo bandhigay heeso kala duwan oo ka hadlayay maamulka Khaatumo iyo guud ahaan midnimada ummada Soomaaliyeed.

Waxa ayana sidoo kale khudbado kasoo jeediyay xaflada wakiilo ka kala socday maamulada Puntland, Galmudug iyo kuwo kale kuwaasoo ugu hambalyeeyay jaaliyadda Khaatumo ee dalka Sweden xuska sanadguurada 1aad ee aas aaska maamulka Khaatumo.

Dadka kasoo qayb galay xafladii xalay ayaa ka kala yimid guud ahaan gobolada kala gedisan ee ay jaaliyadda Khaatumo kaga nooshahay dalka Sweden.

Xaflada ayaa kusoo dhamaatay jawi farxadeed ayada oo ay kawada maqsuudeen dadkii kasoo qaybgalay xafaladaas.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID