Sunday, May 19th, 2013

XAFLAD LAGU TAAGEERAAYEY GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYA OO LAGU QABTEY DALKA MASAR+SAWIRO

Xaflad lagu taageeraayey gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka soomaaliya Prof. Mohamed Sh.Cusman Jawaari oo si weyn loosoo agaasimey ayaa lagu qabtey dalkan Masar gaar ahaan caasimadiisa Qaahira,xaflada  ayaa kasoo qeyb galey inta badan jaaliyada soomaaliyeed ee dalkan Masar   ,siyaasiin,culimaa’udiin,aqoonyahano,ardey,haween iyo marti sharaf kaloo aad u tira badan.

Xafladan ayaa inta badan dadkii ka hadley waxay muujiyeen taageero ay u haayaan gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka soomaaliya iyo sida ay u garab taaganyihiin ayna jeclaan lahaayeen iney mar arkaan soomaaliya oo cagaheeda ku istaagtey.

Siyaasiintii kasoo qeyb gashey xafladan ayaa waxaa ka mid ahaa mudane Mohamed Nuur Jilley oo ah siyaasi rug cadaa ah,sidoo kale waxaa xafladaan kasoo qeyb galey qunsulka soomaaliya u fadhiya dalka walaalaha nahay ee Jabuti mudane. Mohamed Yasin iyo weliba aqoonyahano tiro badan oo aan kasoo qaadan karno Doc,Rabbi.

Xaflada ayaa waxay kusoo gaba gabowdey jawi aad u wanaagsan iyo weliba isu xambalyeyn.

Ibrahim mohamed nur (ibraxaaji)

Baidoamedia-Cairo-Egypt

Ibraxaaji@hotmail.com

Mob. 01223740392


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply