Kadib mudo dheer oo ay taageerayaasha Shariif Xasan ee magaalada London raadinayeen dad ugasoo qayb galo xaflad ay ku sheegeen inay ku taageerayaan Shariifka ayay go’aansadeen inay u wareejiyaan magaalada Manchester oo isla dalka Ingiriiska ku taalo halkaasoo wax xoogaa tobaneeyo qof ballan qaad laga helay inay kasoo qayb galayaan xaflada.
Marka laga reebo raggii qaban qaabada xaflada waday waxaa adkaatay in la helo rag kale oo kasoo qayb gala xaflada taasoo ay soo xaadireen oo keliya wax xoogaa haween iyo carruur ah.
Waxaa ka dhacay goobta ay xafladu ka dhacaysay wejigabax aan horay loo arag oo xitaa waxa ay lamid noqon weysay xafladu aroosyada yar yar ee ka dhaca UK marka loo eego tirada aadka iyo aadka u yarayd ee dadka kasoo qayb galay.
Ugu dambeyntii goobta xaflada ayaa wax xoogaa sawiro ah layskaga qaad qaaday xafladii mudada lasoo magac hayayna halkaas ayay kusoo idlaatay.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
badiomedia runta ayaa idinku jaclahay walaahi sida wax u dhacay oo sax ah ayaa u sheegten warka viva badiomedia & Proff: Jawaari