Xafladani oo ahayd mid loogu loogu baroor diiqaayay Marxuum Sheikh Axmed Cabdi ” Dhicisow” oo dhawaan ku geeriyooday
magaalada muqdisho ee caasimada dalka soomaaliya.
Xalfladaan oo ahayd mid heer sare looga soo shaqeyay ayaa waxa isku soo daba ruday ama soo qaban qaabiyay Ururka isku taga dhalinyarada soomaaliyeed ee dalkani sudan hadaan si kale u dhigno waxaa loo yaqaanaa Ururka Ahlu sheikh ee xaruntiisu tahay dalka sudan.
Madasha ay ka dhacaday xaflani ayaa waxaa la yiraahdaa African Hall ee lugu tala galay shirarku iyo xafldaha kala ceynka ahi eek u taala magaalada Khartoum ee dalka suudan.
Xafladani oo aad uqurux badnayd ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin iyo arday , wax garad iyo siyaasiyiin intuba, hadiin aaan kala qaadno marti sharafka ka soo qeyb galay waxa ka mid ah:
1.Cabdulaahi sheikh Cali ” Qaloocow” waziirka Shaqada iyo Shaqalaha ahna Dhalinyarada iyo Isportga
2.Ismaaciil Yuusuf ” Agaasimaha Wazaarada Tacliinta Sare ee soomaliya” oo howl shaqo ku joogo dalkani
3. Cuqeyl Naciim ” gudoomiyaha jamciyada walaalaha Somali iyo sudan”
4. Juzuuri ” safiirkii hore ee safaarada sudan ee magaalada muqdisho”
5. Axmed ibraahim ” qunsulka koowaad ee safaarada somaliya ee sudan”
Iyo masuul yiin kale ee ka kala socday sida safaarada iyo ururada ka jira dalkani kuwa sudanta iyo kuwa somalida intuba sida gudoomiyaha Ururka ardayda koonfur galbeed soomaaliya ee sudan mr. Maxamed Qaasim Awoow .
Ruuxii hadlba wuxuu si qoto dheer ah ugu faaloonayay taariikhdii wacanayd ee marxuumkani Sheikh Axmed Cabdi Dhicisow, dhanka aqoonta diiniga iyo mida maadiga ah oo si weyn uga hol galay ama uu aasaasayba la oran karaa iskuulo badan eek u yaala somaliya.
Sh. Dhicisow oo si weyn can uga ah guha dalka somaliya iyo daafaha ama wadamada dalka deriska la eh Somalia.
Ugu dambayn ayaa halkaas si wada jir marxuumkani oo ka tirsanaa Ururkani Ahlu sheikh sida Gudomiyaha Ururka Mr.Cabdulaahi Cusmaan iyo Xoghayahiisa Doc. Cimraan Axmed iyo dhamaan inta ka soo qeyb gashay halkaasi aya uduceeyay ilaah na kaga baryay inuu jannada ka waraabiyo.
Caadil xaaji cabdi
Khartoum-sudan
Caadil33@msn.com
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com