Waxaa soo kasoo raynayso xaalada caafimaad ee wariye Maxamed Nuur Shariifka oo habeenkii xalay ahaa ka bad baaday isku day dil ay u geysan lahaayeen rag bistoolado ku hubeysan oo rasaas la beegsaday xili uu ku sugnaa qaybo kamid ah degmada Xamar Jajab.
Wararka kasoo baxayo isbitaal Madiina oo ah halka xalay la dhigay wariye Maxamed Nuur Shariifka ayaa waxa ay sheegayaan in wariyaha qaliin lagu sameeyay kadib lagasoo saaray beer yaraha kadib markii ay rasaastu ka haleeshay halkaas islamarkaasna uu xaalkiisa caafimaad soo hagaagayo hada.
Wariye Maxamed Nuur Shariifka oo u shaqeeya idaacada Bar kulan oo ka dhisan magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu dhuftay ilaa 2 xabadood kadib markii ay weerareen rag aan heybtooda la aqoon oo isla markiiba baxsaday.
Gudoomiyaha degmada Xamar Jajab ee dowlada KMG Soomaaliya Maxamed Cali Axmed ayaa sheegay in goobta lagu weeraray wariyaha ay ku sugnaayeen oo ay ilaalo ka hayeen ciidamada amaanka dowlada KMG Soomaaliya balse ay si fudud ku dhacday arintaas isaga oo dhanka kalena sheegay inay usoo qab qabteen dad fara badan dhacdadaas.
Idaacada Bar kulan ee uu wariye Maxamed Nuur Shariifka ka hawlgalo ayaa waxaa taageera Qaramada midoobay ayada oo inta badana ka hadasha hawlgalada ciidamada midowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.
Waxaa dhawaanahaanba soo badanayay weerarada ka dhanka ah wariyayaasha Soomaaliyeed ee ka hawlgala caasimada Muqdisho iyo gobolada kale ayada oo ay dhowr wariye ku dhinteen weeraradii ugu dambeeyay ee lala beegsaday wariyayaasha Soomaaliyeed oo aan haysan cid sugta amaankooda.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com