Wednesday, June 19th, 2013

Xaalad kacsanaan ah ooka jirto degmada Baardheere.

Waxaa xaalad kacsananaan ah lagasoo sheegayaa degmada Baardheere ee gobolka Gedo kadib markii ay deegaano hostago degmadaas dagaalo xalay ku dhex mareen ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlusuna oo kaashanaya iyo ciidamada Xarakada Alshabaaab.

Xghayaha difaaca ee Ahlusuna Waljameeca Sheekh Isaaq Xuseen Mursal ayaa sheegay inay qorsheynayaan inay galaan degmada Baardheere saacadaha soo socda.

“Shalay ilaa xalay Ciidamada waxay galeen dagaal adag, markii ay ku qaadeen cadawga meelihii u dambeeyay uu ku sugnaa, waxaan saacadaha soo socda dooneynaa inaan galno Baardheere”ayuu yiri oo sheegay in gaadiid dagaal ay ka gubeen Shabaab

Sheekh Isaaq ayaa sheegay maadaama lagu guda jiro xili kala guur ah ay soo afjari doonaan dhawaan dagaalada gobola Gedo, Bay, Jubbooyinka iyo Bay.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply