Tuesday, June 18th, 2013

Xaalad bani aadanimo tii ugu xumeyd oo ka taagan magaalada B/weyne.

Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jirto xaalada aad u liidato oo xaga bani aadanimada ah kadib markii uu webiga Shabeele kusoo fatahay xaafadaha magaaladaas.

Biyaha webiga iyo roobab is kaashaday ayaa la tegay dhamaan wixii agab ahaa ee dhex yaalay guryaha magaalada Beledweyne kadib markii ay biyuhu maansheeyeeyeen guryaha.

Maamulka gobolka Hiiraan ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inaanu waxba ka qaban karin xaalada hada ka taagan magaalada ayaga oo ugu baaqan dowlada Soomaaaliya iyo hay’adaha gar gaarka inay kaalmo lasoo gaaraan dadka biyuhu ay barakiciyeen.

Gawaarida ciidamada lagu daabulo ee ciidamada Jabuuti iyo kuwa Itoobiya ayaa dadka magaalada ka daabulayo ayaga oo geynayo dhulka ka yara sareeyo magaalada ee aanay biyuhu gaarin sida deegaanada Ceel jaalle iyo Janta Kundishe halkaasoo ay dadka ayaga oo aan haysan wax gabaad, cunto, dawo iyo biyo is kor dhoobanyihiin.

Dhanka kale, tirada dadkii ku geeriyooday fatahaadaha webiga Shabeele ayaa sare u kacday ayada oo ay hada marayso 20 ruux oo isugu jirto carruur iyo dad waayeelo ah.

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply