Tuesday, June 18th, 2013

Xaabsade oo hubkiisa kala wareegay Shariif Xasan.

Maxamed Ibraahim Xaabsade oo kamid ahaan jiray baarlamaanka wakhtigiisu dhamaaday ee dowladii KMG Soomaaliya ayaa lagusoo waramayaa inuu ka qaatay hub uu isaga lahaa balse horay loogu waar diyeyn jiray gudoomiyaha uu xiligiisa dhamaaday ee dowladii KMG Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hubka uu Xaabsade kasoo ceshtay Shariif Xasan ayaa u badnaa qoryaha ay Soomaalidu u taqaano dabajeexyada loona yaqaano PKM.

Weli lama oga sababta uu Xaabsade uga qaatay qoryihiisa xildhibaan Shariif Xasan oo hada ah musharax u taagan xilka madaxweynanimada dalka Soomaaliya.

Xaabsade ayaa kamid ah xildhibaano magacyadooda dib loogusoo celiyay oday dhaqameedyadii soo xulay ayada oo lagu eedeeyay inuu yahay dagaal ooge inkata oo uu isagu iska diiday hadalkaas.

Waxaa jira warar sheegaya in xafiiskii Shariif Xasan uu intiisa badan haawanayo inta badan shaqaalihii ka hawlgali jirayna ay ka kala tageen halkaas ayada oo aan la ogeyn inuu Shariif Xasan laftiisa ka guuray xafiiskiisii hore ama uu weli ku suganyahay halkaas.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


One Response to Xaabsade oo hubkiisa kala wareegay Shariif Xasan.

  1. Siidkey says:

    Baidoameda isku xishooda, miyaadan raxaweyn ahayn oo Danta digil Mirifle idiin saameynin? War Jawaari Tuug laalush qaata ah weeye oo danta digil i Mirifle Hortaagan. Haduu aqoonyahan yahay muu madaxweyne isu soo sharxo?

Leave a Reply