W/xigeenka wasaarada gaashaandhiga dowlada KMG Soomaaliya, jeneraal Maxamed Cali Catoosh ayaa ka hadlay hawlgalo uu sheegay inay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya dhawaanahaanba ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Bakool.
Wasiir kuxigeenka ayaa sheegay inay hawlgaladaasi kusoo qab qabteen 10 ruux oo uu ku til maamay inay ka tirsanaayeen Xarakada Alshabaab kuwaasoo uu sheegay inay hada ku jiraan xabsiga dhexe ee degmada Xudur.
Maxamed Cali Catoosh waxa uu sheegay inay dhawaan maxkamad soo taagi doonaan ragaas oo uu sheegay in lalasoo qabtay hubkooda sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa dhawaanahaanba ka waday hawlgalo gobolka Bakool deegaano ku yaalo ayada oo ay weli gacanta ugu jiraan dhowr degmo oo gobolkaas ah ciidamada Xarakada Alshabaab oo mar sii horeysay lagala wareegay xarunta gobolka Bakool ee Xudur.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com