Kooxda WIGAN ATHLETIC oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee ka dheela horyaalka dalka Ingiriiska ayaa heshiis rasmi ah waxey lagaleen wiil Soomaaliyeed oo la yiraahdo Abubakar Axmed Sheegoow oo degan magaalada Manchester, kadib markii uu ka mid noqdey ciyaaryahanada ka soo qalin jabiyay sanadkaan iskoolka kooxda kubadda cagta lagu barto ee WIGAN ATHLETIC ( Wigan Football Academy),kasoo ay siiyeen heshiis tijaabo ah ( Prof contract ).
ciyaaryahan Abubakar ayaa si rasmi ah garoomada premier league-ga uga cayaari doona oo ka soo dhex muuqan doona, laga bilaabo sanadka 2012/2013, wuxuu si rasmi ah uga mid noqonayaa ciyaaryahanada kooxda heerka koowaad ee Wigan ama kuwa loo yaqaan kooxda keyda (reserve team players), wuxuuna noqonayaa ciyaaryahankii 5aad ee Soomaaliyeed ee ka mid noqda ciyaaryahanada heerka koowaad ee dalalka Yurub, kuwaasoo hore u soo noqdeen Abdisalaam Caddaay, Ayub Daa’uud,Liibaan Cabdi iyo Ibrahim Faarax,taasoo farxad weyn iyo sharafba u ah dadka Soomaaliyeed meel kasto ay joogaan ee jecel in dhalinyarada Soomaaliyeed ka soo dhexmuuqdaan garoomada caalamka.
Ciyaaryahan Abubakar waxaa dhaley oo aabe u ah Axmed Bishaar Sheegoow oo hore uga soo mid ahaan jirey ciyaaryahanadii heerka koowaad ee dalka Soomaaliya, gaar ahaan kooxdii HORSEED (Cawo iyo Maalin) haatana ku nool magaalada Manchester.
Laacibkaan isagoo yar ayaa waxaa kooxda da’yarta Manchester City Academy geeyay Garsoore Cabdulqaadir Caddaay oo waqtigaas wiilkiisa Cabdisalaam Ibrahim uu ka mid ahaa iskoolka City oo yaal xaafada Mos side oo ah xaafad ay ku badan yihiin jaaliyada Soomaaliyeed ee degan Manchester, kadibna markii uu mudo joogey ayaa waxaa kooxda WIGAN u wareejiyay Geelle oo ah Soomaali Football Agent, labadii sano ugu dambeysey oo uu ka mid ahaa ciyaartooyda Academy Wigan wuxuu noqdey ama qaadey ninka goal dhaliska, taasoo ugu dambeyntii an oran karno Da’daalaa wuu garaa. Ciyaaryahan Abubakar Sheegoow waxaan u rajeynaynaa guul wacan, waxaana leenahay Hambalyo, Guuleyso insha Allah.




Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com
Waa wax aad farxad u ah waaye wiil soomaaliyeed oo u cayaara kooxaha waaweyn ee dunida katirsan khaasatan waa mesha kaliya maanta indhaha ay u badanyihiin dawashada cayaaraha marka waxan lenahay welcome