Tuesday, June 18th, 2013

Wefdi ka socda maamulka Ximin iyo Xeeb oo booqasho ku jooga degmada Hobyo.

Wefdi ballaaran oo ay ku jiraan wasiiro katirsan maamulka Ximin Iyo Xeeb ayaa waxa uu booqasho ku joogaa magaalada xeebta ku taala ee Hobyo halkaasaa maalmo kahor lagusoo rasaaseeyay jeneraal Cabdi Qaybdiid Cawaale, madaxweynaha maamulka Galmudug.

Wafdiga Ximin iyo Xeeb ayaa u sheegay inay u kuur galayaan xaalada guud ee magaalada Hobyo ayaga oo booqaday dekeda macmalka ah ee magaalada iyo qaybo kamid ah magaalada ayaga oo ugu baaqay maamulka Galmudug gaar ahaan Cabdi Qaybdiid inuu dhibka ka daayo dadka walaalaha ah ee kuwada dhaqan magaalada Hobyo waa sida ay hadalka u dhigeene wasiirada Ximin iyo Xeeb.

Degmada Hobyo ayaa waxaa wada dega beelo ku kala abtirsado maamulada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb ayada oo uu maamul kastana sheeganayo maamulkeeda, balse waxaa muuqato inay magaalada laba u kala qaybsantahay.

Dhawaan ayay ahayd markii  wafdi ay rag ajaanib cadaan ah ku jireen oo uu hogaaminayay Cabdi Qaybdiid lagusoo rasaaseeyay degmada Hobyo ayaga oo dib ugusoo laabtay magaalada Gaalkacyo isla markaasna uu Cabdi Qaybdiid sheegay inay Hobyo katirsantahay maamulkiisa Galmudug.

Wefdiga Ximin iyo Xeeb ee booqashada hada ku jooga Hobya ayaa ku hubeysan gaadiidka gaashaaman ayaga oo sidoo kalena wata gawaarida dheeraysa ee Landcruisarada loo yaqaano oo ay Soomaalidu sida weyn u adeegsato.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply