Saturday, May 18th, 2013

Weerar bambaano oo qasaare geystay oo ka dhacay Mombasa.

Weerar loo adeegsaday bambaanada gacanta laga tuuro ayaa waxa uu xalay ka dhacay baar iyo maqaayad laga cunteeyo oo ku yaalo magaalada loo dalxiiska tago ee xeebta leh ee Mombasa oo ku taalo dalka Kenya dhowr cisho un kadib markii ay dowlada Mareykanka

Muwaadiniinteeda inay ka fogaadaan goobaha ay dadku iskugu yimaadaan ee magaalada Mombasa ayada oo sheegtay inay jirto khatar ah weerar argagaxiso inuu kasoo socdo halkaas.

Booliska magaalada Mombasa waxa ay sheegeen inuu hal qof ku geeriyooday weerarka bambaano ee ka dhacay magaalada Mombasa balse dadka xaga caafimaadka waxa ay sheegeen inay ku geeriyoodeen halkaas ilaa iyo 3 ruux halka tiro kalena ay ku dhaawacantay.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa ah goob ay dadku aad ugu badnaayeen ayada oo ay habeenkii 10:00 fiidnimo ahayd.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply