Waxaa youtube lasoo geliyay maalmahaan soo dhaafney muuqaal xanuun badan oo dad badan kayaabiyay.
Muuqaalkaan ayaa ku tusaya Waxar yar biyo intay ku dhacday ku dhiman rabtay misna doofar meesha taagnaa intuu u dulqaadan waayay cabaadka waxarta uu isku tuuray biyaha kana soo badbaadiyay xilli waxartaasi nolasheedu khatar ku jirtay
Video gaan oo maalmo kahor lasoo geliyay ayaa durba waxaa uu kamid noqday video yaasha aduunyada loogu daawashada badan yahay, isla mar ahaantaana waxaa lagu daabacay bogaga hore ee joornaalada aduunka qaar kamid ah.
Dadka qaar ee comment yada ka dhiibtay ayaa waxay aad u dhaliileen ninka filmka duubaayay oo iska taagnaa uusana badbaadin halka xayawaan uu ka damqaday oohinta waxartaas kadibna ay si dhakhso ah banaanka u keenay.
Mohamed Megan
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com