Sida uu sheegay taliyaha ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya ee gobol Banaadir, Khaliif Axmed Ereg, ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa waxa ay howlgalo ay ka fuliyeen degooyin ka dhacay magaalada Muqdisho maanta kusoo qab qabteen ilaa sideed kun oo ay ku jiraan dagaalyahano Shabaab ah iyo saraakiil.
” Sidaad aragtaan kuwaani waa dagaalyahano Alshabaab ah, waxaan kusoo qab qabanay howgalo xalay ka bilowday magaalada Muqdisho” sidaas waxaa yiri Khaliif Axmed Ereg.
Maal mihii ugu dambeeyayba waxaa ka socday degmooyinka magaalada Muqdisho howlgalo ay si wadajir ah u fulinayeen ciidamada nabadsugida dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Howlgaladii maanta ilaa iyo xalay ayaa waxa ay ka dhaceen degmooyin ay kamid yihiin Kaaraan, Yaaqshiid, Huriwaa iyo kuwo kale.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com