Wasiirrada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo skaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Rome kulammo kula qaadatay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda WFP

Wasiirrada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo skaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Rome kulammo kula qaadatay mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda WFP,  ayadoo dhanka kalena ay wasaaraddu gudi u saartay badbaadinta hantida Soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Maraakiibka.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah ayaa sheegtay in hey’adda WFP ay kala hadashay sidii ay dowladda gacan uga siin lahaayeen dib u dejinta qaxootiga dalka dib ugu soo laabanaya, waxeyna ka dalbatay hey’adda WFP in ay bedesho habkii hore oo ay raashinka ka iibsadaan gudaha dalka si dadka dhaqaalahoodu u kordho.

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ayaa hoosta ka xariiqday in ay qaadday talaabo lagu badbaadinayo Maraakiibta Soomaaliya ee ku dayacan Waddanka Yemen, waxeyna intaa raacisay in ay la xiriirtay Shirkadii Talyaaniga aheyd ee berigii hore ku shaqeyn jirtay isla markaana ay iyagu u dirayaan farsamayaqaano soo badbaadiya Maraakiibtaasi oo ka kooban Afar

 


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID

LATEST NEWS