Ayada oo shalay un la weeraray wasiirka amniga qaranka iyo arimaha gudaha ee dowlada federaalka Soomaaliya, mar uu marayay inta u dhexayso deegaanada Buufow iyo Shalambood, ayaa mar kale maanta isla deegaankaas lagu weeraray wasiirka iyo wasiiro la socday.
Kolonyo uu la socday wasiirka arimaha gudaha iyo wasii
ro kale ayaa waxaa dhexda u galay Xarakada Alshabaab mar ay masuuliyiintaasi kasoo laabteen magaalada Marka oo ay xalay ku hoydeen.
Gudoomiyaha gobolka Shabeelada hoose Cabdulqaadir Sheekh Maxamed Nuur Siidii ayaa waxa uu sheegay inay jiraan qasaarooyin soo gaaray ciidamada dowlada iyo dhinicii kale ee weerarka soo qaaday ayada oo lasoo sheegayo in la qarxiyay gaari uu lahaa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed jeneraal Shariif Sheekhunaa Maye.
Inta u dhexayso deegaanada Buufow iyo Shalambood ayaa waxa ay noqotay goob ay inta badan ka dhacaan weeraro lala beegsado masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ee ku safra wadadaas.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com