Tuesday, May 21st, 2013

Wasiirkii hore ee ganacsiga xukuumadii Farmaajo oo maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Xamar weyne.(Sawiro)

Allaha u naxariistee waxaa qarax lagu dilay maanta wasiirkii hore ee ganacsiga iyo bani aadanimada ee xukuumadii raisalwasaare Farmaajo Maxamuud Cabdi Ibraahim Garweyne kaasoo gaarigiisa loogusoo xiray waxyaabaha qarxa.

Qaraxa ayaa ka dhacay bacadlihii hore ee degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir ayada oo ay sidoo kalena ku dhaawacmeen dhowr qofood oo xildhibaanka la saarnaa gaariga oo ahaa nooca raaxada ee loo yaqaano Caarib.

Geerida xildhibaan Garweyne ayaa waxaa xaqiijiyay laamaha amaanka ee dowlada KMG Soomaaliya.

Dhawaanahaanba amaanka magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagayay ayada oo aanay jirin qaraxyo ka dhacay magaalada.

Dhanka kale qaraxa lagu dilay maanta wasiirkii hore ee ganacsiga ee xukuumadii Farmaajo AUN Garweyne ayaa kusoo aadayo xili shalay ay ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM howl gal kusoo qab qabteen rag iyo hub katirsan Xarakada Alshabaab.

 

Baidoa media.

 


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply