Saturday, May 25th, 2013

Wasiirkii amniga Kenya iyo kuxigeenkiisa iyo 4 xubnood oo kale oo ku geeriyooday shil diyaaradeed.

Sida ay xaqiijiyeen booliska dalka Kenya, wasiirkii arimaha amniga ee dalka Kneya Prof George Saitoti iyo kuxigeenkiisa Orwa Ojode ayaa waxa ay goor dhow ku geeriyoodeen shil diyaaradeed oo ka dhacay deegaanka Kibiku gaar ahaan hawdka Ngong oo ku yaalo isla dalka Kenya.

2 kamid ahayd ilaalada wasiirka ee gaarka ah iyo 2 duuliyayaal ayaa sidoo kale kula dhintay shilka diyaaradeed oo dhacay kadib markii ay cilad kutimid diyaarad nooca qumaatiga u kacdo oo ay lahaayeen booliska dalka Kenya.

Prog George Saitoti ayaa ahaa siyaasi rugcadaa ah islamarkaasna si weyn uga dhex muuqday siyaasada dalka Kenya isaga oo sidoo kalena iskusoo sharaxay doorashooyinka madaxtinimo ee ka dhici doona dalka Kenya dhawaan.

”Waa wax xanuun badan oo aan la rumeysankarin” sidaas waxaa yiri  Kalonzo Musyoka, madaxweyne kuxigeenka dalka Kenya oo sidoo kalena u diray tacsi madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki iyo qoysaskii ay ka geeriyoodeen wasiirada dhintay.

Geerida wasiirkii amniga gudaha ee dalka Kenya iyo kuxigeenkiisa ayaa waxa ay tahay mid ay aad uga xumaadeen dadka Kenya ayada oo hadal haynta maanta ugu badan ee magaalada Nairobina ay tahay dhacdadaas.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply