Waxaa maalmahaanba booqasho ku marayay deegaano fara badan oo katirsan gobolka Shabeelada hoose taliyaha ciidamada XDS jeneraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini iyo wasiirka xiligiisa dhamaaday ee gaashaandhiga mudane Xuseen Carab Ciise.
Masuuliyiintaan ayaa waxa ay horay booqashooyin kala gedisan ugu tageen degmada Afgooye, degmada Wanla weyn iyo garoonka ciidamada ee Bali doogle ayaga oo hadana ku sugan degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada hoose.
Wasiirka gaashaandhiga iyo taliyaha ciidamada XDS ayaa waxa ay kala hadlayaan shacabka gobolka Shabeelada hoose sidii ay ula shaqayn lahaayeen ciidamada dowlada Soomaaliya iyo weliba sidii ay shacabku qayb uga qaadan lahaayeen sugida amniga guud ee gobolka.
Dhanka kale waxa ay booqasho kusoo kala bixiyeen masuuliyiintaani aagaga hore ee ay difaaca kaga jiraan ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaga oo ku dhiiri gelinaya ciidamada dowlada inay sii wadaan la dagaalanka Xarakada Alshabaab Alqaacida waxa ay ugu yeereen.
Gobolka Shabeelada hoose ayaa badankiis hada waxa uu gacanta ugu jiraa ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayada oo maleeshiyooyinkii Alshabaabna magaalooyinka qaar iskaga baxeen qaarna dagaal lagaga saaray.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com