WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA OO XARIGA KA JARAY XARUN CUSUB OO AY YEELATAY LAANTA SOCDAANKA SOOMAALIYA. (SAWIRO)

<

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta xariga ka jaray xarun cusub oo ay yeelato laanta socdaanka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Munaasabad  ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cade ayuu wasiirku xariga kaga jaray xarunta cusub ee waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya.

Xaflada xariga lagaga jarayay xarunta cusub ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen.C/laahi Gaafoow iyo safiirka dowlada Japan u qaabilsan dalka Soomaaliya.

Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen.C/laahi Gaafoow oo ugu horeyn goobta Kahadlay ayaa sheegay in hay’adda IMO ay hirgelisay xaruntan islamarkaana ay gacan ka geysatay Dowlada Japan waxa uuna xusay iney qeyb weyn ka qaadan doonto howlaha garoonka iyo dadka Imaanaya iyo sidoo kale kuwa ka duulaya.

Danjiraha dowlada Japan u qaabilsan Soomaaliya oo isna goobta kahadalay ayaa tilmaamay in howshan Ay mudo ka shaqeynayeen islamarkaan ay dowlada Japan diyaar utahay sidii loo horumarinlahaa Hay’adaha dowlada ee mudada kabadan 22 sano ku burburay dagaaladii wadanka kasocday.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID