Waxaa maanta booqasho heer sare ah ku yimid magaalada Muqdisho wasiirka arimaha dibada dalka Talyaaniga Julio Terzi kaasoo kulan albaabada u xiranyahay kula yeeshay madaxtooyada Soomaaliya madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka ayaa sheegay in booqashadiisa magaalada Muqdisho ay ku qotonto sidii loo adkeyn lahaa loona xoojin lahaa xiriirka dalalka Talyaaniga iyo Soomaaliya.
“Maanta waxaa farxad weyn inoo ah inaan halkan ku qaabilno oo na soo booqday Wasiirka Arrimaha Dibada Talyaaniga, waxayna bilow iyo calaamad u tahay cilaaqaadka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya ee soo jireenka ahaa”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
“Halkan waxaa u imid inaan horay u sii wadno xiriirka iyo cilaaqaadka u dhaxeeya Talyaaniga iyo Soomaaliya, waxaan uga mahadcelineynaa Madaxweynaha guusha siyaasadeed ee uu gaaray, booqashada waxay qeyb ka tahay horumarinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal”ayuu yiri Mr Terzi.
Booqashada maanta uu ku imaaday magaalada Muqdisho wasiirka arimaha dibada Talyaaniga ayaa noqonayso midii ugu sareysay ee uu masuul Talyaani ah ku yimaado dalka Soomaaliya mudo labaatameeyo sano ah inkastoo uu dalka Talyaaniga horay usoo gumeystay Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com