Wasiiradii hore ee maamulka la magac baxay Somaliland ee waqooyi galbeed Soomaaliya Adna Aadan Cismaaciil ahaydna xaaska Allaha u naxariistee madaxweynihii ugu horeeyay ee maamulka Somaliya dalka Soomaaliyana kasoo noqday raisalwasaare, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa si aan haboonayn uga hadashay ummada Soomaaliyeed ee ku nool koonfurta Soomaaliya ayada oo kuwada tilmaantay dadka Soomaaliyeed ee ku nool koonfurta dalka Soomaaliya inay yihiin argagaxiso, burcad badeed, Alqaacida, Alshabaab iyo waxyaabo kale oo aan fiicnayn.
Adna Aadan oo intii u dhexaysay sanadihii 2003dii ilaa iyo 2006dii wasiirka arimaha dibada kasoo noqotay maamulka iskiis is magacaabay ee Somaliland ayaa waxa ay ka hadlaysay shir aqoonsi loogu raadinayay Somaliland.
Adna ayaa sheegtay in beesha caalamku ku qasaariso Soomaaliya lacag balaayiin dollar ah oo ay bixiyaan canshuur bixiyayaasha wanaagsan ee dalalkooda.
” Mariiniskiina ayaad u dirteen Muqdisho, intaasoo tfg iyo tfs iyo waxaasoo dowlado kmg ah ayaad u dhisteen, hadana waad ku guul dareysateen, sababtoo ah dadka koonfurta ayaan doonayn inuu shaqeeyo nidaamkaas” ayay tiri Adna Aadan Cismaaciil oo sidoo kalena sheegtay inay dadka ku dhaqan koonfurtu yihiin argagaxiso iyo burcad badeed.
” Anaga ayaa la midownay koonfurta hadana go’aansanay innaan ka go’no, yaa isaga oo miyir qaba rabo inuu dib ula midoobo Alshabaab? Yaa isaga oo miyir qaba rabo inuu dib ula midoobo burcad badeed? khab khablayaal dagaal? argagaxiso” ayay is weydiisay mar kale Adna Aadan oo ka dalbatay beesha caalamka inay Somaliland aqoonsi siiyaan islamarkaasna ay qayb ka noqoto geedi socodka nabadu loogusoo islaaxayo koonfurta dalka Soomaaliya.
” Hanagu riixinaha, Alshabaab,hanagu riixinaha Alqaacida, hanagu riixinaha argagaxiso, Somaliland waa ay jiraysaa, waa ayna joogeysaa” ayay hadalkeeda raacisay haweenaydaan oo si la yaab leh ugu xad gudubtay ummada Soomaaliyeed ee ku nool koonfurta Soomaaliya.
Dhinaca kale, haweenaydaan ayaa waxa ay sheegtay in nun milyan dhalinyaro reer Somaliland ah inay qarka u saaranyihiin inay argagaxisada ku biiraan hadaanan laga gaarin oo aan aqoonsi la siinin Somaliland.
Hadalada kasoo yeeray haweenaydaan oo ah qof aqoonyahanad ah ayaa misna waxa ay u muuqdaan kuwo ay ugu gefayso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan koonfurta dalka Soomaaliya ayada oo ay dad fara badana aad uga xumaadeen erayada kasoo yeeray qof aqoon durugsan leh misna xil kasoo qabatay maamulka Somaliland oo mudaba raadinayay aqoonsi balse aanay u suurta gelin.
Dhanka kale hadalada meel kadhaca ah ee kasoo yeeray Adna Aadan ayaa waxa ay imaanayaan xili ay beesha caalamku wado dadaalo lagu wada hadalsiinayo dowlada kmg Soomaaliya iyo maamulka Somaliland iyo weliba xili ay muuqdaan ifafaalooyin nabadeed iyo kuwa horumareed oo kasoo ifaya dhanka koonfureed ee dalka Soomaaliya oo mudo 20 sano ah dagaalo ay ka soceen.
Hadaba aqristow hoos ka daawo fiidiyowga Adna Aadan sida aan haboonayn uga hadlayso dadka koonfurta Soomaaliya.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com