Sunday, May 19th, 2013

WASIIR RUSIAN AH OO BIRIQ KAGA BADBAADAY CIJI FOODEED ASAGOO BAABUUR KUWATA MAGAALADA MOSCOW. DAAWO VIDEO‏

Kaamirad ku xirnayd gaari waardiyaynaysay wasiirka arimaha gudaha ee dalka russia Vladimir Kolokoltsev ayaa waxay soo duubtay muuqaal kayaabiyay dadkii daawaday.
sida aad ka arki kartaanba wasiirka ayaa wuxuu kasoo rawaxay xafiiskiisa isla mar ahaantaana sida lasheegayo ku wajahnaa hoyga uu ka degenaa magaallada moscow, intii uu wadada ku sii jiray ayaa waxaa biriq ay haleeshay gaarigii lagu waday wasiirka oo aan waxna gaarin.
Arinkaan ayaa wasiirka iyo dadkii daawaday waxay kunoqotay mucjiso taas oo dhalisay in baaritaan lagu sameeyo arinkaas balse la ogaaday inuu wasiirka si ilbiriqsi ah kaga badbaaday biriqdaas oo hadii ay ku dhici lahayd baabi,in lahayd gebi ahaanba dadkii saarnaa gaarigaas.

 

Mohamed Megan,
Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply