Sunday, May 26th, 2013

Wasaarada arimaha dastuurka iyo federaalka xukuumada Soomaaliya oo sheegtay in shirka odayaasha dhaqanka uu meel wanaagsan marayo.

Wasaarada dastuurka iyo arimaha federaalka dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka uga socdo magaalada Muqdisho oday dhaqameedyada Soomaaliyeed uu marayo meel fiican ayada oo ay rajo fiicana ka muujisay wasaaradu inay kasoo baxaan wax wanaagsan shirka.

Wasiiru dowlaha Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Maxamed Jimcaale “Xasan Dheere” ayaa tilmaamay in shir weynaha odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed uu meel wanaagan marayo, laguna howlan yahay sidii ay u soo xuli lahaayeen odayaasha ergada ansixineysa Dastuurka dalka iyo xubnaha cusub ee uu baarlamaanka Soomaaliyeed yeelanayo.

Wasiiru dowlaha ayaa xusay in Xukuumadda Soomaaliya ay ku Kalsoon tahay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, dowlad ahaanna ay ku dadaali doonaan in dalka loo horseedo wanaag iyo dowlanimo, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay gacan siiyaan dowladda.

Dhana kale mudane Xansan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in 14-ka bishaan la soo gabagabeyn doono shir weynaha kadibna lagu dhawaaqi doono natiijada kasoo baxda oo ah mid ay wada sugayaan shacabka Soomaaliyeed.

“inta uu shira odayaasha Muqdisho ka socda dowladda waxa ay ku dadaalleysaa in shacabka lagu baraarrujiyo Dastuurka iyo qodobada weli mugdiga uga jira, si ay tallooyinkooda ugu biiriyaan, waana arrin lagama maarmaan ah” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaarada arimaha dastuurka iyo federaalka dowlada KMG Soomaaliya.

Hadalka kasoo yeeray masuulkaan katirsan xukuumada Soomaaliya ayaa imanaya xili ay jiraan cabashooyin badan oo kasoo baxayay inta badan shacabka Soomaaliyeed kuwaasoo ku aadan dastuurka qabyo qoraaleedka ee lagu wado in lagu ansixiyo magaalada Muqdisho bishaan dhexdeeda ama dhamaadkeeda.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply