INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN. INA LILLAAHI MAA AKHADA WALAHU MAA ACDHAA. CADAMALLAAHU AJRAKUM WA’AXSANA CADHAA’AKUM WAGHAFARA LIMAYTIKUM. Annagoo ku hadlayna magaca Jaalliyadda Digil-i-Mirifle magaalada Melbourne, Australia, waxaan halkaan tacsi uga direynaa guud ahaan ummadda Digil-i-Mirifle gaar ahaan Prof. Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cali Xaaji Mukhtaar iyo dhammaan caruurta, ehelada iyo qaraabada geeridii naxdinta lahayd ee marxuum XAAJI MALAAQ MUKHTAAR MALAAQ XASAN oo maanta ku geeriyooday magaalada Baydhaba, Soomaaliya. Waxaan Allaah ka baryeynaa inuu samir iyo iimaan naga siiyo wuu naga wada geeriyooday marxuumkee – Aamiin – Aamiin – Aamiin.
Waxaan Allaah (Subxaanahu Watacaalaa) uga baryaynaa inuu u naxariisto, dembigiisa dhaafo, qabrigiisa u waasiciyo, qabrigiisa u nuuriyo ugana dhigo beer ka mid ah beeraha Jannada. Mar labaad waxaan guud ahaan umadda Digil-i-Mirifle uga tacsiyeyneynaa geerida marxuumka oo in badan aan tabi doonno haddaan nahay beelweynta Digil-i-Mirifle. GADAASHII ALLAAH NAMA FIDNEEYO – AAMIIN.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com