Wararka ka imaanay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in la dilay wariyihii magaaladaas ugasoo warami jiray TVga Universal Allaha u naxariistee Axmed Saakin Faarax.
Weli lama xaqiijin cida ka dambeysay dilka wariyaha balse wixii warar ah ee dheeraad ah dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa.
Guud ahaan dalka Soomaaliya dhawaanahaanba waxaa kusoo badanayay dilalka loo geysanayo wariyayaasha kala duwan ee ka howlgalo dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Maanta ayay ahayd markii uu qarax ka dhacay isla magaalada Laascaanood ee caawa lagu dilay wariye Axmed Saakin.
Baidoa media.
dhagacade2@hotmail.com
info@baidoamedia.com