Friday, May 24th, 2013

Wariye Yuusuf Fareey oo goor dhow lagu dilay Muqdisho.

Allaha u naxariistee waxaa saakay lagu dilay magaalada Muqdisho mid kamid ah wariyayaashii hore oo hadana ka hawlgalayay wasaarada warfaafinta dowlada KMG Soomaaliya.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Yuuusf Cali Cismaan ‘’Yusuf Farey’’  waxa uuna xiliga la dilayay uu ku sugnaa gudaha garaash ku yaalo degmada Dharkeenleey ee gobolka Banaadir halkaasoo uu u yaalay gaari uu lahaa islamarkaasna damacsanaa inuu kalasoo baxo.

Allaha u naxariistee Yuuusf Cali Cismaan ‘’Yusuf Farey’’ ayaa waxaa dilka u geystay nin bistoolad ku hubeysnaa oo gudaha garaashka  ugusoo galay islamarkaasna ka baxsaday goobta uu dilka ugu geystay marxuumka.

Dhawaanahaanba waxaa kusoo badanayay magaalada Muqdisho dilalka ka dhanka ah wariyayaasha iyo fanaaniinta.

 

Baidoa media.


Nagala Soo Xiriir

dhagacade2@hotmail.com

info@baidoamedia.com


Leave a Reply