Magacyada Gudiga Afurinta Masjid Jaamaca Baydhabo 1-Gudomiye: Sh.Nuur Dheere tell: 0615593718 2-Kuxigeen Shariif Cabdalla Eelaay : 0615578320 3-Xiriiriye Bashiir Maxamed Aadan 0615590121 4-Maxamed Sh.Aadam 5- Macaani Sh.Sahal 6- C/Rashiid Sh .Maxamed Tarafiko

LIVE RADIO

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

SOMALI LINKS

Wariye reer arlaadii ah oo maalintii 3aad xiran‏ iyo warbaahinta Arlaadi oo hadal kasoo saartay arinkaas.

Waxaa Maalintii sadaxaad xabsiga ku jira Wariye C/casiis C.nuur Ibraahim oo ka tirsan shaqaalaha Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho, isla markaana suxufiyiintii Arlaadii oo xubin buuxda ka ah midowga suxufiyiinta Alta Jubba  kaasoo ay xabsiga dhigeen Saraakiil ka tirsan Hey’ada Dambi Baarista Soomaaliya.

Maamulka suxufiyiinta warbaahinta Arlaadii oo wada jir ah, Dr. C/laahi Ibraahim Amaandhoorey,  madaxa webka www.amaandhoorey.com, C/siis Dhega Cade,  maamulaha webka www.baidoamedia.com Mukhtaarey agaasimaha webka www.altajuba.com , Fahad Maxamed Abuukar maamulaha webka www.baidoanews.com, Mohamed Hassan Idriss Geney, agaasinka www.samakaynews.com Maaxiye C/nuur Yuusuf,  maamulaha webka  www.radiodalsan.com Axmed Mukhtaar & Fateeli  Maamulka webka www.baidoatimes.com & agaasimaha Somali MAITV Liban Huseein waxay si wada jir ah madaxda warbaahintaasi uga codsanayaan saraakiisha dowlada soomalaiya in si dhaqsi ah xuriyadiisa dib loogu soo celiyo suxufiga maalinta sedexaad xabsiga lagu haayo.

Maamulka warbaahintaan oo baaritaano badan sameeyey ayaa xaqiijiyeen in C/casiis C/nuur Koronto oo xanuunsaya uu ku jiro gacanta Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed oo aysan garaneynin xabsiga lagu haayo, waxaana ka dambeeyay xariga Wariyaha Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliya Shariif Sheekhunaa Maye sida xogta aanu ku helney.

Dacwada lagu xiray wariyaha ayaa ah mid aan waxba ka jirin sida uu qabo Dhibane Wariye C/casiis Koronto oo ku jira Xabsi aan la aqoon halka uu kaga yaalo Magaalada Muqdisho.

Laamaha amaanka iyo siroonka ayaa la kala wareegay Wariye C/casiis Koronto, waxaana 10 Bishan aan ku jirno looga yeeray wariyaha xarunta Dambi Baarista, iyadoo ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyeed ay xili Habeen ah kala baxeen xaruntaasi, iyadoo aan la aqoon halka ay u wateen iyo xabsiga ay ku xireen.

Xaalada C/casiis Koronto ayaa la sheegayaa inay tahay mid aan wanaagsaneen, waxaana jiray xanuuno uu ka tabanayay wariyaha, iyadoo Dowlada Soomaaliya ay ugu dartay xabsi aan cid ku booqan karin.

 

Baidoa media.


NAGALASOO XIRIIR

baidoamedia@hotmail.com

info@baidoamedia.com


HALAAN KU REEB WIXII COMMENT AMA FAALO AH. MAHADSANID